Wararka
Xaruunta Baarlamaanka kGS oo Dhawaan Dhismo Ku bilaabanayo.
Gudoomiyaha Baarlmanka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa Sheegey in Dhawaan uu Bilaaban Doono Dhismaha xaruunta Baarlamanka maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.
C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed oo ka hadlayay safar maalmihii lasoo dhaafay ku joogay caasimda dalka ee Muqdisho, ayaaa sheegey in uu kullan la qaatey Hay’adaha ka shaqeya Arrimaha Baarlamanka.
guddoomiyaha ayaa sheegay in Hay’addahaasi ay kawada hadleen hadleeen Dhismaha Xaruunta Baarlamanka oo Laga dhisi Doono Caasimadda koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Baraawe isagoo intaasi ku daray in dowlada dhexe iyo hay’aduhuba u balan qaadeen dhawaaan in uu bilaabandoono dhismaha xaruunta.