Wararka
Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare oo gaaray Magaalada Cadaado.
Waxaa Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud gaaray Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari oo ay kamid yihiin xildhibaannada labada gole.
Xildhibaanada maanta gaaray Magaalada Cadaado waxaa kamid ahaa; Cabdiraxmaan Odawaa, Saabir Nuur Shuuriye, Siciid Nuur Giriish iyo Xildhibaano kale waxaana soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada oo ugu horeeyo guddoomiyahay degmada Cadaado C/lahi C/raxmaan Torroole.
Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Aqalka Sare, Abshir Bukhaari oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada cadaado ayaa sheegay in u jeedka socdaalkooda uu yahay sidii loo xalin lahaa khilaafka ka taagan deegaanada Galmudug.