Wararka
Madaxweyne Lafta-gareen oo Booqday Degmada Walaweyn.
Wafdigan uu hogaaminayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ooSoomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed ( lafta gareen )Ayaa manta gaaray Degmada walaweyn Ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaana halkaasi ku soo dhaweyay Maamulka Degmada ,odeyaasha, dhalinyarada iyo Sarakiisha Ciidanka Qeyba hooda kala Duwan.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KG iyo wafdigisa ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta degmada odeyasha ,iyo Dhalinyarada, Waxayna Sheegen In ay dhib ku qabaan Isbaaroyinka Sharci darada ah ee yaala waddooyinka Madaxweynaha KG ayeyna ka codsadeen in wax looga qabto cabashooyinkooda si ay uga noolaadan Deganaansho Dowladeed iyo Mid Amni.
Cabdicasiis Xasan Maxamed ( lafta gareen ) ayaa dhankiisa Sheegey in sida ugu dhow ay wax uga qaban doonan Cabashooyinka ay so gudbiyeen bulshada Reer walaweyn waxaana uu shegey in marna aan raali ka noqonaynin in la dhibaateeyo Shacabka ku nool Deeganadda Gobolka Shabeelaha Hoose.
Madaxweyne Lafta Gareen waxaa socdaalka ku wehlinaayay Wasiirada wasaaradaha Amniga, Dekedaha ,iyo Xildhibano ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya iyo Kuwa Koonfur Galbeed.