Wararka
Godomiyaha gobolka banadir ayaa dhagax dhigay wado muhiim u ah isu socodka dadka gaadiidka magalada muqdisho
Duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobalka banaadir iyo wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha ayaa maanta oo Axad ah si wadajir ah u dhaggax dhigay, waddo laami oo isku xirta isgoyska Cali Kamiin isla markaana hormarta tuulada cayaaraha Stadium Mogadishu illaa iyo waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in waddadaan ay tahay mid muhiim u u shacabka ku dhaqan caasimda waxaa uuna sheegay in ay ayaga u garteen in la dhiso lagana dhigo laami Casri ah isagoo kula dardaarmay shirkada wadadaan dhiseyso in ay si wanagsan u dhisaan.
“Waddadan waa Waddo muhiim ah oo halbowle u ah bulshadda Caasimadda dagan, iyada ayaana u dooranay in la dhiso oo laga dhigo laami Casri ah oo noqoneysa mid kaalin wax ku ool ah ka qaata bilicda iyo horumarka aan hiigsanayno, shirkadda dhisayso waxaan leeyahay laamiga waaa in uu ahaado mid sax ah oo si wanaagsan loo dhisay”.ayuu yiri Gudoomiye yariisoow.
ENG. Yariisow waxaa kale ee uu intaas ku daray in ay rajayniyaan in sanadba sanadka ka danbeeyo ay caasimda ku talaabsan doonta horumara balaaran.
“Waxaan rajeynayaa in sanadba sanadka ka dambeeya horumarku sii siyaado, wadooyinku noo siisiyaadaan, dib u dhiska Caasimadduna ku socdo dardar isbedal dhab ah ayaa ku dhici doonta bilicda Muqdisho marka waddooyinkan ay dhameystirmaan”.ayuu yiri guddoomiyaha Gobolka Banadir.
Istadiyom muqdisho ayaa horaan laga sarey ciidamadii amisom ee mudo ku sugnaa halkaasi.
Dhagax dhiga wadadan ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneyso isku-socodka dadweynaha iyo gaadiidka.