Wararka
Taliyaha Guud ee Ciidamada Itoobiya oo lagu dilay Afgambigii dhicisooway ee xalay ka dhacay Ismaamulka Amxaarada.
Sida uu xaqiijiyay Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, waxaa Isku daygii dhicisooway ee lagu doonaayay in lagu afgambiya Ismaamulka Amxaarada dalkaasi lagu dilay Taliyihii Ciidamada Itoobiya Seare Mekonnen.
Ra’iisal wasaare Abiy oo lahadlaayay talefashinka Qaranka dalkaasi ayaa sheegay in Iskudaygaasi la xakameeyay waxaa uuna xaqiijiyay I ay weerarkaas ku dhinteen saraakil badan oo ka tirsan ciidanka dalkaasi.
Inkastoo aan faahfahino dheeri ah kasoo bixin Iskudaygaasi Afgambi, haddana waxaa lasoo sheegiyaa In magaalada Bahir Dar marmarka qaar laga maqlaayo rasaas laiswaydaarsanaayo oo u dhaxeeyso falaagada afgambiga waday iyo ciidanka Itoobiya sidaasi waxaa warkaasi wakaalada wararka ee Reuters u xaqiijiyay dad deeganka ku sugan.
Xawaaraha Internet-ka ee dalka Itoobiya ayaa hoos loodhigay waxaana xawaarihiisa caadiga laga dhigay 2% dalka oo idil.
Safaarada Maryakanka ee dalka Itoobiya ayaa soo saartay digniino ku aadan in ay weeraro ka dhici karaan magaalada Adis-Ababa sidoo kalana ay shaqaaqa ka aloosanaan karto Magaalada Bahir Dar ee xarunta Ismaamulka Amxaarada.
Ra’iisal wasaare Abiy ayaa xafiiska imaaday bishii April 2018 seddex sano oo banaanbaxyo ay ka socotay dalkaasi kaas oo looga soo hor jeedey maamulkii Ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaasi Hailemariam Desalegn kaas oo ugu danbeyn xilka iska casilay.
Dr. Abiy Ahmed ayaa markii uu xafiiska la waregay sameeyay isbadalo badan isagoo isku soo dhabeeyay shacabka dalkaasi iyo ciidamada militiriga dalka Itoobiya.
Sikastaba, Ra’iisal wasaaraha itoobiya ayaa cadaadis badan kala kulmaayo qoomiyada Tigreega taas oo dalka horey ugu talin jirtay.