Wararka
Madaxweyne Lafta gareen oo Safaaradda Qadar kulan kula Qaatey Safiiirka Qadar ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta gareen ) iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada KG Ibraahim Cabdiqaadir Maxamed oo kusugan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya ayaa kulan la Qaatay Safiirka Dalka Qadar u fadhiya Soomaaliya Xasan Binu Xamza.
Madaxweyne Lafta Gareen ayaa safiirka kala hadlay sidii Dowlada Qadar ay u tageeri lahayd dowlad goboleedka koonfur galbeed si ay garab ugu siiso Fulinta mashaariicda Hormarineed, Waxbarashada, Caafimaadka iyo dhismaha Wadooyinka Dowlada Qadar ay ka wado Dalka.
Safiirka ayaa intii uu kulanka socday waxaa uu balan qaaday qaaday in Mashaariic kala gedisan ay ka fulin doonan Deeganada KGs.
l