Wararka
Ciidamada dowlada Soomaliya oo la wereegay deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka shabelaha hoose.
Ciidamada dowlada fadaralka soomaliya ee ku sugan gobolka shabelaha hoose ayaa la wereegay degaano hoos yimaada degmada marka ee xarunta gobolka Shabelaha hoose sida lagu qoray warbaahinta ku hadasha afka dowlada Soomaliya.
Deegankan ay la wareegeen ciidamada ayaa lagu magacaba Ceel-saliin waxana 20- km dhanka waqooyi kaga beegantahay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.
Ciidamada dowlada Soomaliya ayaa durbadiiba halkaasi ka sameeyey hawl-galo ay ku xaqiijanayaan amaanka guud deegaankaas.
Xiliyadii udembeyey ciidamada dowlda Soomaaliya ayaa howlgalo waxa ay ka waden deegaano ka tirsan gobolka Shabelada hoose waxana ay horan la wereegeen deeganka Bariire oo qiyaastii 60 km ujirta magalada muqdisho ee caasimada Soomaliya.