Wararka
Wasarada Batroolka oo heshiis la gashay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil ee qabilsan shidaalka.
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u soo celiyaan heshiisyadii dowladdii dhexe la gashay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil oo muddo 30 sano ku dhaw dalka ka maqnaa.
Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaaraddu ay heshiis la saxiixatay Shirkadaha Caalamiga ah ee Shell iyo Exxon Mobil, kuwaasi oo haatan ka baxay xaaladdii ku qasabtay in ay wadanka kaga baxaan tan iyo bur burkii dowladdi dhexe ee dalka.
Sidoo kale wasiirka waxaa uu sheegay in Shirkadahaan ay aqbaleen in ay bixiyaan dhamaan xuquuqihii lagu lahaa, kuwaas oo ku salaysan qandaraasyadii ay galeen xilligaas ayaga oo raacaya habraaca ku xusan Sharciga Shidaalka ee dalka.
Wasiir ku xigeenka ayaa intaa ku daray in madaxda Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil ay diyaar u yihiin inay ka mid noqdaan geeddi socodka soo saaridda Shidaalka Soomaaliya.