Wararka

Wafdi kasocda Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray magaalada Gaalkcayo ee xarunta gobolka Mudug.

Xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya  ayaa gaaray magaalada Gaalkcayo, Iyagoo sooo baari doona dhacdadii dilwadareedka aheyd ee todobadaadkii hore ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wafdigan oo uu hogaaminayo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka kooban labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa markii ay gaareen magaalada Gaalkacyo waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka ee ka howlgala Galmudug.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda uu la xiriiro barista dilwadareedkii 14-kii bishan ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ay ku dhinteen sagaal ruux, waxaa uunashacabka  Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay falkaasi.

“Marka labaad waxaan annagu u nimid halkan, waxaan ahayn wafdi horu dhac ah, oo aan  sugayno wafdi balaaran oo imaan doono ayaan horu dhac u nahay, ujeeddada aan u nimid waxa ay tahay dhacdadii 14-kii bishan dad badan ay ku dhinteen magaalada Gaalakcyo, dhacdadaas oo runtii aad iyo aad dadka Soomaaliyeed, bulshada Caalamka iyo dadka reer Galmudug ay xanuun badan ku keentay,  inaan marka hore isaga tacsiyayno iyo inaan wax ka ogoaano sidii ay u dheceen” ayuu yiri Senator Cabdi Qeybdiid.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ugu denbayn waxaa uu sheegay in ay marka ay soo dhameeyaan barista kiiskaas ay ku soo bandhigi doonaan shir jaraa’id isagoo faahfaahsan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close