Wararka
Trump oo dib ugu laabtay go’aan uu horey u saxiixay.
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa si deg deg ah ugu laabtay amar uu horey u soo saaray kaas oo ahaa inla qaado weerar ka dhan ah Iran balse uu dib uga laabtay, sababo aan la shaacin dartood.
Trump ayaa markii horey ansixiyey weeraro ka dhan ah goobo gaar ah oo kuyaalla dalka Iran, waxaana goobahaas kamid ahaa xarumaha Militiriga iyo raadeerada sida uu qoray wargeyska New York Times.
Sida ay wargaysyada kasoo baxa dalkaasi Maraykanka ay qoriyaan, madaxweynaha ayaa amray weerar jawab celin ah kadib markii ay shalay Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran sheegeen in ay soo rideen diyaarad drone oo basaas ah oo Mareykanka uu leeyahay, taasi oo sida ay sheegeen kusoo xadgudubtay hawada dalkaas, meel ku dhow Marinka Hurmuz.
“Diyaaradda basaaska RQ-4 Global Hawk ee Mareykanka ayaa waxaa lagu dhuftay gantaal markii ay kusoo xadgudubtay hawada Iran ee dusha biyaha gobolka Hormozgan” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Ilaalada kacaanka.
Sarraakiil Mareykan ah ayaa beeniyay bayaanka ka soo baxay Iran waxa ayna sheegeen in diyaaradda lasoo riday ay tahay nooca MQ-4C Triton, hase yeeshee ay ku duuleysay hawada caalamiga ee Marinka Hormuz.