Wararka
Maxkamad ku taal dalka Turkiga oo xabsi daa’in ku xukunta 24 ruux.
Maxkamad ku taalo dalka Turkiga ayaa xabsi daa’in ku xukuntay 24 ruux oo lagu eedeeyay in ay ka qayb qaateen afganbigii dhicisooway ee lagu doonaayay in kursiga looga tuura madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan sida ay soo warisay wakaalada wararka ee Anadolu.
Dadkaan xabsi daa’inka lagu xukumay waxaa kamida sargaal sare oo ka tirsanaa cidamada cirka dalka Turkiga Akin Ozturk iyo safiirkii hore ee Turkiga u joogay dalka Netherland Mehmet Disli.
Maxkamada lagu xukumaayay dadkaan ayaa waxaa banaankeeda isasoo buuxiyay shacab badan oo dadkooda lagu laayay isku daygii dhicisoobay ee dalka Turkiga ka dhacay sanadkii 2016-kii .
Arrinkaan ayaan aheen kii ugu horeeyay ee ka dhacaa dalkaas kaas oo xabsi daa’I loogaliyo dad lagu eedeeyay in ay ku lugleeyihiin afgambigii dhicisooway ee ka dhacay dalkaasi waxaana sidoo kale loo dal dalay saraakiil ka tirsanaa ciidamada Turkiga.