Wararka
Duqa caasimada oo soo saaray wareegto in goobaha Ganacsiga ee waddooyinka la suro Calanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Banadir Cabdirahmaan Cumar Cusmaan Eng. Yariisow ayaa wareegto kasoo saaray in goobaha Ganacsiga ee waddooyinka la dayactiro lagana suro Calanka Soomaaliya si loo weyneeyo xuska maalmaha Xuriyadda ee 26ka, 27ka Juun iyo 1da Luulyo.
“U diyaar garowga munaasabadaha maalmaha Xoriyada awgeed waxaan soo saaray wareegto in goobaha Ganacsiga ee waddooyinka la dayactiro lagana suro Calanka si aan u wada weyneyno maalmaheena Xoriyada ee 26ka, 27ka Juun iyo 1da Luulyo” ayuu yiri guddoomiye Yariisow.
Guddoomiyaha oo ka qaybgalay shirka Tubta Gobolka Banaadir ee usbuuclaha ah oo uu shir guddoominaayay ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay Dhismaha Guddiga Shaqalaaha maamulka Gobolka Banaadir, Habraaca ilaalinta Deegaanka iyo badqabka bulshada gaar ahaan dhismooyinka Wadooyinka waxaana ugu danbeyn shirka warbixin looga dhagaystay guddiga qabanqaabada maalmaha munaasabadaha qaranka ee Xuriyadda iyagoo ka warbixiyay diyaargaroowga socda.