Wararka

Afar ruux oo loo heysto weerarkii shan sano ka hor kadhacy Jaamacada Gaarisa oo maxkamad la soo taagay.

Shan ruux oo ku eedeysanaa weerarkii lagu qaaday Jaamacad ku taal Ismaalmulka Gaarisa ee gobalka waqooyi  bari dalka Kenya taas oo ay ku dhinteen 148 ruux ayaa maanta la soo taagay maxkamad ku taal magaalada Nairobi ee caasimda dalkaasi kenya.

Garsooraha maxkamad kutaal magaalada Nairobi oo lagu magacabo  Francis Andayi ayaa sheegay in afar kamida raga lagu eedeeyay weerarkaas uu u helay caddeemo kufilan kiiskooda kadib markii 22 ruux oo marqaatiya loohelay kiiskooda.

Raggaan oo kala ah Mohamed Ali Abdikar, Hassan Aden Hassan, Sahal Diriye iyo Rashid Charles Mberesero ayaa maxkamada ugu fadhidaa in jawaab cad ay ka bixiyiyaan kiiska lagu haysto.

Si kastaba ha ahaatee garsooraha maxkamada, andayi ayaa amray in la sii dayo eedeysane Cusman cabdi dagane ka dib markii wax dembi ah lagu waayey kaa oo ku aadan weerarkii dhacay April 2, 2015 kaas oo lagu qaadey Jaamacada Gaarisa.

Dagane ayaa ahaa waardiyaha Jamacada waxana la qabtay isaga oo sawiro qaadaya weerarka ka dib waxana lagu wayey wax lug ah  ah in uu kulahaa weerarka.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close