Wararka

(AKHRISO): TAARIQDA KOOBAN EE ABWAAN SINGUB.

Bilwogii 1961-kii ayuu tartan dhinaca gabayada ka galay Radio Muqdisho halkaas oo abwaan Singub kaga gudbay tartankaas.

Allaha u naxariiste waxaa maanta Isbitaal ku yaalla magaalada Adis-Ababab ee dalka Itoobiya ku geeriyooday abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise (Singub) oo ka mid ah abwaanada taariikhda fog leh dalka.

Abwaanka aya xanuuno la taahayay sanadihii ugu danbeeyay waxaana dhowr jeer caafimaad ahaan loogu qaaday Isbtitaalo ku yaalla dalka iyo dibadiisa.

Abwaan Singub sida uu sheegay waxaa uu dhashay sanadkii 1944kii waxaa uuna  ku dhashay miyiga Dhagax-buur ee gobolka Jarar ee dawlad deegaanka Soomaalida, waxa uu ahaa geel jire ku hanaqaaday miyiga kuna dhameeyay dugsiga qur’aanka.

Bilowgii sanadkii 1961kii ayuu abwaanku yimid magaalada Hargeysa ee xarunta gobolka waqooyi galbeed halkaas oo kaga sii gudbay magaalada Muqdisho oo uu imtixaan dhinaca suugaanta u galay.

Bilwogii 1961-kii ayuu tartan dhinaca gabayada ka galay Radio Muqdisho halkaas oo abwaan Singub kaga gudbay tartankaas.

Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise Singub taariikhdiisa laguma soo koobi karo dhowr daqiiqo hase ahaatee waxa uu ahaa abwaan ay ku weyn tahay dal jaceylnimada.

Heeso,ruwaayado iyo gabayo qiimo badan ayuu curiyay abwaan Singub riwaayadaha sida weyn loogu xusuusto waxaa ka mid ahaa Waa Maadays Adduunyadu Dadkuna way Matalayaan, Qabrigii Jacaylka, Xuskii Jacaylka , Xuudbaa liqay Jacaylka , Xorriyo , Maadays , Gari makaa baxdaa (Ninba Tacabkii Talooy Kaa Maal) , iskuma Qaddo , Xaajo Ugub, Geedigaa Kaa lumay, Yaxaa Dhagaduub, Halkay Qoontu Taal Takhtarkii Qali Waa , iyo Qabyo oo uu sameeyey burburkii kaddib iyo kuwa kale oo badan.

Abwaan Singub ayaa ka mid ahaa abwaanadii ugu caansanaa ee hab suugaan ahaan kula dagaalmayay gumeystayaashii dalka heystay isagoo curiyay gabayo,iyo riwaayado looga soo horjeedo gumeysiga.

Burburkii ka dib Waxyaabaha lagu xusuuto abwaan singub waxaa ka mid aheyd u hiilinta qaranka iyo baraarujintii uu shacabka kula hadlayay taaas oo ku aadaneyd damaca Kenya eek u aadan ku xadgudubka kheyraadkeena.

Abwaan Singub waxa uu ka mid ahaa hal abuuradii ugu caansanaa ee taariikhda fanka Soomaaliyeed soo mara, waxa uu sanadihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, oo uu ka sameeyay koox la yiraahdo Deegaan kuwaas oo masraxyada la isugu yimaado ka dhiga heeso iyo riwaayado dhamaantood ka tarjumaya in dib loo dhiso Soomaaliya lagana gudbo kala qaybsanaanta.

Abwaan Singub ayaa burburkii kaddib ku noolaa dalka Jabuuti oo uu kusoo dhaweeyey madaxweyne Cismaaciil Cumar Geelle, asagoo waayadii dambena u wareegay magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee maanta ayuu abwaanku ku geeriyooday magaalada adis ababa ee dalka itoobiya waxaana soomaaliya ay weysay mid ka mida gaashaan suugaaneedkii looga cabsan jirey.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close