Wararka

Meydka Madaxweynihii Hore Ee dalka masar ayaa manta lagu aasay Duleedlka magaaalda qaahira

Maydka Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Mxaamed Mursi ayaa la sheegay in Waaberigii hore ee Maanta  (Abaarihii 5-tii Aroornimo ee xilliga dalkaasi)  lagu aasay  Qabuuro ku yaalla magaalladda Nasar ee Bariga Caasimadda Al- Qaahira.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in ay xubnaha Qoyskiisa iyo Qareenadooda goobjoog ka ahaayeen Aaskiisa, iyadoo aad loo adkeeyey Ammaanka Guud ee dalkaasi.

Dukumentiyo la arkay oo la soo dhigay Baraha Bulshadda ayaa waxaa lagu muujiyey inay xubnaha Aaska Marxuumka ka qeyb galay ahaayeen Mursi wiilkiisa, Xaaskiisa, Nin isaga la dhashay iyo 2 Qareen.

Mar sii horreysay Dowladda Masar waxay ku gacan sayrtay Codsi uga yimid Qoyska Maxamed Mursi oo ahaa in Marxuumka lagu aaso Deegaanka uu ka soo jeedo, kuna dhashay ee Gobalka Sharqiya ee Waqooyiga dalkaasi.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close