Wararka
Ra’iisal wasaaraha dalka oo daah-furay shir looga hadlayo meel marinta Istaraatiijiyadda horumarinta xannaanada xoolaha dalka.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay shir looga hadlayo meel marinta Istaraatiijiyadda horumarinta xannaanada xoolaha dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn u mahadceliyay howl wadeennada wasaaradda xannaanada xoolaha dadaalka ay geliyeen sameynta istaraatiijiyadda waxaa uuna sheegay in horumarinta iyo xanaanaynta xoolaha ay qayb muhiim ah ka yihiin hagaajinta dhaqaalaha dalka iyo yaraynta saboolnimada.
Istaraatiijiyadda xanaanada xoolaha dalka oo ay diyaarisay wasaaradda xannaanada xoolaha xukuumada Soomaaliya oo la kaashatay wasaaraha dowlad gobaleedyada ee xannaanada xoolaha ayaa waxa ay saldhig u noqoneysaa hannaanka horumarinta xoolaha dalka.
Shirkaan ayaa socondoona muddo seddex maalin ah waxaana lagu wadaa in lagu meel mariyo istaraatiijiyadda xanaanada xoolaha dalka waxaana shirkaan kasoo qayb galay wasiirrada xanaanada xoolaha ee dowlad gobaleedyada, maamulka gobalka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.