Wararka
Kiisaska La xiriira Caabuqa Ebola ee laga heley dalka kenya oo isa soo taraya.
Seddex ruux oo kale oo lala xaririnaayo cudurka Ebola ayaa la dhigay xarunta garantiilka Isbitaalka guud ee ismaamulka Kericho.
Ninkii ay wadajoogeen haweeneydii laga helay calaamada muujinaayo caabuqa xanuunka Ebola iyo laba ruux oo kale kuwaas oo caawinaayay habeenayda ayaa la dhigay Isbitaalka guud ee Kericho qaybtiisa garantiil inkastoo aysan muujin calaamadaha caabuqa Xanuunka Ebola.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa qubura u dirtay ismaamulka Kericho si ay u soo baaraan kiiskaan cabsida badan laga muujiyay.
Dhiig laga soo qaaday dadka uu xanuunkaan soo ritay ayaa laga keenay dalkaasi Uganda waxaana la keenay xarunta baaritaanka caafimaadka ee dalka Kenya (Kemri) si baaritaano dheeri ah loogu sameeyo waxaana lafiliyaa in jawaabta kama danbaysta ah ay soo baxdo 24-ka saac ee nagu so aadan.
Xarunta baaritaanka caafimaadka Kenya ee Ku taalo Nairobi ayaa wali wada baaritaanka kiiskaan waxaana jawaabta ku saabsan cudurkaan laga soguyiyaa 24-ta saac ee soo socota.
Kiiskaan ayaan horay looga helin dalkaasi Kenya balse waxaa uu horay ugu dilaacay dalalka dariska jamhuuriyada dimuquraadiga ah ee Congo sida Liberia, Guinea iyo Sierra Leone sanadkii 2014 ilaa 2016-kii waxaana ku dhintay in kabadan 11,300 oo ruux.
Cudurkaan ayaa Ugdanda ugu soo gudbay jamhuuriyada dimuquraadiga ah ee Congo waxaana asbuuci tagay u dhintay laba rux oo hal qoys kawada soo jeeda oo kala ahaa haweeney iyo wil ay ayeeyo u tahay oo shan sano jir ahaa kuwaas oo ka soo safray dalka Congo.