Ciyaaraha
AL-khaliifa oo albaabka ufuray bixitaanka Neymar.
Madaxweynaha kooxda PSG ayaa si lama filaan ah u go,aamiyay albaabkana u furay bixitaanka xidiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Neymar isaga oo sheegay in uuna qofna hor istaagi doonin hadii uu doonayo in uu isaga tago kooxda,
Naasir Al-khaliifa ayaa la dhicin siyaasada qaar ka mid ah cayaaryahanada kooxda PSG kuwaas oo doonaya in ay isaga tagaan kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Wargayska SPORTS oo soo xigtay hadalka Al-Khaliifa ayaa sheegay in xidigaha kooxda ay xil iska saaraan shaqadooda
“xidigaha waa in ay dusha saartaan masuuliyada xitaa si ka badan sidii hore” ayuu yiri Al-khaliifa.
Al-khaliifa oo hadalkiisa sii wato ayaa intaas ku dharay in cayaaryahaynka aan ku raacsaneyn fikirkiisa uu albaabka u furanyahay.
Hadii ayna igu raacsanayn fikirkayga albaabku wuu u furan yahay ayuu yiri al-khaliifa”
Hadalka Al-khaliifa ayaa ku soo aadayo xili xidigaan ay xiiso weyn u muujinaayaan kooxaha waaweyn ee ka dhisan qaarada Yurub.