Wararka
Wasiirka hawlaha guud ee dowlada Soomaaliya iyo wasiirada hawlaha guud ee dawlad goboleedyada oo shir ugu furmay Garoowe.
Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta ka Furmay shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada.
Wasiirka hawlaha guud iyo dib u dhiska Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Aadan Hoosow iyo wasiirada hawlaha guud ee dawlad goboleedyada ayaa shalay gaaray magaalada Garoowe waxayna kawada xaajooniyaan sidii loo dar-dargalin lahaa dib u dhiska dalka.
Shirkaan waxaa uu socon doonaa muddo laba maalmood ah waxaana si gaar ah diiradda lagu saari doonaa dib u dhiska wadooyinka isku xira magaalooyinka dalka iyo kaabayaasha kale ee gacan ka gaysan kara koboca dhaqaalaha.