Wararka

Calaamada muujinaayo caabuqa Cudurka Ebola oo laga helay dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa heegan buuxa gelisay Dhaqaatiirteeda kadib markii ismaamulka Kericho, xaduud la ah dalka Ugaanda lagu arkay Haweeneey loo maleeyay in uu hayo caabuqa Ebolla.

Haweeneydaan  ayaa laga helay Calaamado muujinayo cudurka looga shakiyay ee caabuqa Ebola, iyadoo ay weli dhaqaatiirtuna ku mashquulsan yihiin.

Bukaankaan ayaa galinkii danbe ee shalay la dhigay Isbitaalka guud ee Kericho, waxaana lagu war geliyay shaqaalaha caafimaadka in aan wax xiriir ah lala sameyn bukaanka.

Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimadka ee Kericho, ahweeneydaan ayaa kasoo gudubtay degaanka Malaba oo ku yaalo dalka Uganda kaas oo xaduud la ah deeganka ismaamulka  Kericho ee dalkani Kenya.

Madaxa xiriirka Bulshada ee ismaamulka, Kericho, Timothy Kemei, ayaa sheegay in ay waaxda caafimaadka ee maamulkaasi ku howlan tahay sidii ay u heli lahayd xog dheeri ah oo ku aaddan la tacaalidda Dadka uu soo rito cudurka, si ay ula wadaagaan Dowladda dhexe.

Dhiig laga soo qaaday dadka uu xanuunkaan soo ritay ayaa laga keenay dalkaasi Uganda waxaana la keenay xarunta baaritaanka caafimaadka ee dalka Kenya (Kemri) si baaritaano dheeri ah loogu sameeyo waxaana lafiliyaa in jawaabta kama danbaysta ah ay soo baxdo 24-ka saac ee nagu so aadan.

Kiiskaan ayaan horay looga helin dalkaasi Kenya balse waxaa uu horay ugu dilaacay dalalka dariska jamhuuriyada dimuquraadiga ah ee Congo sida Liberia, Guinea iyo Sierra Leone sanadkii 2014 ilaa 2016-kii waxaana ku dhintay in kabadan 11,300 oo ruux.

Cudurkaan ayaa Ugdanda ugu soo gudbay jamhuuriyada dimuquraadiga ah ee Congo waxaana asbuuci tagay  u dhintay laba rux oo hal qoys kawada soo jeeda oo kala ahaa haweeney iyo wil ay ayeeyo u tahay oo shan sano jir ahaa  kuwaas oo ka soo safray dalka Congo.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close