Wararka
Eng. Yariisow oo shir guddoomiyay shirka aminga Gobolka Banaadir.
Gudoominayay Gudomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Muqdisho Egn. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shir guddoomiyay Shirka aminga Gobolka Banaadir kaas oo lagu qabtay xarunta Degmada shibis ee Gobolka Banaadir.
Shirka waxaa kasoo qayb galay Taliyaha Ciidanka Boliska iyo saraakiisha Aminaga, Gudomiye ku xigeenka aminga iyo Siyasadda Gobolka Banaadir iyo Maamulka Degmada shibis.
Intii uu socday shirkaan waxaa looga hadlay dardar galinta Amniga Caasimada Muqdisho iyo sida ay iskula shaaqeyn karaan laamaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka.