Wararka
Shir looga hadlaayo dib u eegista mashruuca Tayaynta Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland oo Garoowe lagu qabtay.
Magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa waxaa maanta lagu qabtay kullan bila ah ah oo ku saabsan dib u eegista mashruuca Tayaynta Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland.
Shirkaan waxaa ka qab galay madaxa mashruuca tayeenta shaqaalaha rayidka ah ee Puntland Maxamed Cabdullahi, Wasiir dowlada wasaaradda maaliyada dowlad Goboleedka Punland iyo mas’iiliyiin kale oo katirsan dowlada Puntland.
Wasiir dowlaha wasaaradda maaliyada Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay shirkaan iyo hadafkii laga lahaa waxaa uuna sheegay in shirkaan uu yahay mid kor loogu qaadaayo tayada iyo cilmiga shaqaalaha dowlada Puntland.
Shirkaan ayaa intii u socday waxaa lagu soo bandhigay Daraasad laga sameeyay habsami u socodka mashruuca Tayaynta Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda goboleedka Puntland.
Dowlada Puntland waxaa mashruucaan ka gacan siiya dowlada Maraykanka waxaana loogu tira galay in sare loogu qaado shalaalaha rayidka ah ee dowlada Puntland.