Wararka
Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo amar ku soo rogtay dalladaha waxbarashada.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare dowlada Soomaaliya ayaa soo saartay wareegta ay ku wargalinayso dhamaan bahwadaagta waxbarashad, dugsiyada iyo dalladaha iyadoo amar ku siisay in ay u diyaar garoobaan hirgelinta manhajka cusub kaas oo ka kooban fasalada 1-aad ilaa 8-aad.
Wasaarada ayaa dugsiyada amar ku siisay laga bilaabo bisha Agoosto ee sanad dugsiyeedka 2019/2020 in ay waajib tahay in dugsiyada dalka oo idil laga hergaliyo manhajka Cusub.
Haddaba hoos ka akhriso wareegtada kasoo baxday wasaaradda waxbarashada: