Wararka
Xafiiska xeer ilaaliyaha Guud ee Jubbaland oo warsaxaafadeedka kasoo saaray ka been abuurka laamaha ammaanka Jubbaland.
Iyadoo lagu wada in bilaha fooda nagu soo haya in dowlad goboleedka Jubbaland ka dhacdo doorashada Madaxweynaha ayaa waxaa isasoo taraayo digniino laga soo saaraayo in la abuuro khalkhal siyaasadeed oo ka dhax aloosantaa bulshada ku dhaqan deeganada dowlad goboleedkaas.
War saxafadeed ka soo baxay Xafiiska xeer ilaaliyaha Guud ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa loogu digay cid walba oo ku lug leh falal la xiriira kicinta bulshada iyo ka been abuurka laamaha ammaanka Jubbaland.
Sidoo kale warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in cidkasta oo lagu qabta in ay ku lug leedahay kicinta iyo khalkhal galinta nabada sharciga la horkeeni doona laguna qaadi doona xukunka danbigii lagu soo oogay.
Haddaba hoos ka akhriso warsaxaafadeedkaas: