Wararka
Madaxweyne Waare oo Cambaareeyay dilkii loo gaystay 13 ruux oo xogsata ah kana soo jeeda deeganada Koonfur galbeed.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay dil Magaalada Gaalkacyo loogu gaystay Dad rayid ah oo aan waxba galabsan, islamarkaana ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, waxaa uuna cambaareeyay falkaasi.
“Anigoo ku hadlaya afka Golayaasha Dowladda Hirshabeelle Waxaan cambaareynayaa falkani lagu laayay dadkaasi masaakiinta ah, Dadka Soomaaliyeed waa walaal, xidid, iyo ehel intuba meel kasta oo ay joogaan, waxaana uga tacsiyeynayaa ehelka ay ka geeriyoodeen dadkaasi, waxaana u rajeynayaa in eebe uu ka waraabiyo janatul Fardowsa” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay falkaasi lagu dilay 13 ruux oo dad shacab ah xoogsata ahaa, waxaana uu ugu baaqay Dowladda Goboleedka Galmudug in baaritaan dhab ah ay ku sameeyso Falkaasi islamarkaana dadkii ka dambeeyay, cadaaladda la marsiiyo.