Wararka
Golaha Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay go’aanka dowlada Moldova ay safaaradeeda ugu wareejinayso magaalada Jerusalem.
Ururka iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo (OIC) ayaa cambaareeyay go’aanka dowlada Moldova ee ay safaaradeeda ku taal magaalada Tel Aviv ee Israa’iil ugu rareeyso caasimda Jerusalem.
Golaha Iskaashiga Islaamka ayaa cadeeyay in go’aankaas uu ka hor imaadsanyahay shariciga xala u raadinta golaha amaanka ee Qaramada Midoobe waxaa ayna ugu digeen in dowlada Moldova ay ku kacdo ficilkaas iyagoo sheegay in uu ficilkaas xumeyn karo xiriirka wadamada Carabta kala dhaxeeyo dowlada Moldova.
Dowlada Maraykanka ayaa ugu horeeysay taas oo ku dhawaaqday in ay safaaradeeda Tel Aviv ka rarto oo ay ku wareejisayo caasimada Jerusalem iyadoo sheegtay in Jerusalem ay u aqoonsanihiin in ay tahay dul ay leedahay maamulka Israa’iil.
Golaha amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa ko’aankaas ka hor imaaday iyagoo sheegay in ay samayn doonaan dadaalo nabad loogu raadinaayo dagaalada daba dheeraaday ee ka dhaxeeyo maamulada Israa’iil iyo Falastiin.
Sidoo kale go’aankaas waxaa aad ugu xumaaday dowladaha Islaamka iyadoo qaar kamida wadamada Musliminta laga dhigay banaanbaxyo looga soo horjeeda aqoonsiga dowlada Maraykanka ay caasimada Jerusalem u aqoonsatay in ay noqota caasimada Maamulka israa’il.
Xadka ay wadaagaan labadaan Maamul ayaa waxaa maalinkasta ka dhacaa weeraro ay isku soo qaadaan ciidamada iyo shacabka labada maamul.