Wararka
Nimcaan Hilaac oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay.
Agaasimaha cusub ee wax soo saarka iyo howlgelinta Hoballada waaberi Nimcaan C/raxmaan Xasan (Nimcaan Hilaac) ayaa maanta si rasmi ah xilka ugula wareegay Agaasimahii hore ee wax soo saarka iyo howlgelinta Hoballada waaberi , Maxamed Xasan Barroow.
Munaasabadda xil wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa, Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska, Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha, maareeyaha golaha murtida iyo wacyigalinta agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo agaasime waaxeedyada Wasaaradda.
Maxamed Xasan Barroow iyo Nimcaan C/raxmaan Xasan ayaa sidhaafsaday saxiixyada decumiintiyada iyo agabyadii ay fanaaniintu ku shaqeyn jireen.agaasimihii hore ayaana agaasimaha cusub ugu hambalyeeyay shaqada loo igmaday isagoo u rajeeyay in uu Alla u fududeeyo.
Nimcaan Cabdiraxmaan xasan (hillaac) , agaasimaha cusub ee wax soo saarka iyo howl gelinta Hoballada Waaberi ayaa sheegey in halkii uu keeney kooxda hobbalada waabari Maxamed Xasan Barow inuu kasii dhaqaajin doono, wuxuuna ka codsaday bahda fanka in ay garab istaagaan, kana caawiyaan xilka loo igmaday.
Maareeyaha golaha murtida iyo wacyi galinta Qaranka , Maxamed Abuukar Axmed ayaa sheegey in Agaasime Barrow uu wax badan kasoo maray dib u howl gelinta Hobollada waabari, kadib bur burkii uu Dalku soo maray, Nimcaan hillaacna looga baahan yahay in uu halkaa kasii dhaqaajiyo.
Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Khadiijo Maxmed Diiriye, ayaa sheegtay in ay xubin ka aheyd waligeed Hobollada waabari, haddana ay kala sheqeyn doonto sidii loo dhaqaajin lahaa horumarinta bahda fanka.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir maareeye oo la dar-daarmaayay mas’uuliyiinta cusub ayaa sheegay in fanka Soomaaliyeed iyo fannaaniinta dib loo soo celin doono Heesihii hirgalay oo tartan furan lagu soo saari doono jiilalka cusub ee fanka kusoo biiraya.