Wararka

Dowlada Soomaaliya oo Midowga Yurub la saxiixatay heshiis daib u dhiska waddooyinka isku xira gobolada dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumada federaalka ah ee Soomaaliaya ayaa maanta magaalada  Muqdisho kaga qayb galay munaasabad ay dowlada Soomaaliya iyo Midowga yurub ku kala saxiixanaayeen heshiiska maal-gelinta mashruuca dib udhiska waddooyinka goballada dalka kaas oo ay Yurub ku bixinayso 42 Million oo Yuuro.

Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Amb. Jamal Maxamed Xasan, iyo safiirka midawga Yurub ee Soomaaliye Mr. Nicolas Berlanga Martinez, ayaa heshiiska si wada jir ah u saxiixay.

Mashruucaan dib udhiska waddooyinka ayaa waxaa laga hir galin doonaa dhamaan gobolada dalka iyadoo dib u  dhis loogu sameynayaa, looguna dayac tirayaa 355 kilomitir oo kamid ah waddooyinka isku xira dalka.

Dowlada Soomaaliya ayaa Midowga Yurub ugu mahadcelisay taageerada jooogtada ah ee midawga Yurub ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

”Dowladda Federaalku waxa ay si xooggan u bogaadinaysaa taageerada jooogtada ah ee midawga Yurub ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Taageeradaan 42-da Milyan ee Yuuro ah ee dib udhiska waddooyinka waxa ay sii xoojinaysaa 100-kii Milyan ee Yuuro oo dhawaan Midawga Yurub ku taageeray kabka miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya.” Ayuu yiri  Wasiir Jamal Maxamed Xasan.

Safiirka midawga Yurub ee Soomaaliye Mr. Nicolas Berlanga Martinez ayaa dhankisa ka hadlay munaasabada waxa uuna sheegay in Midowga yurub uu ku faraxsan yahay in uu dhaqaale galiya dib u dhiska iyo taageerida Soomaaliya sidoo kale waxaa uu sheegay in mashruucaan dib u dhiska waddooyinka uu shaqa abuur u samayn doona dad badan.

“Midawga Yurub iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay si wadajir ah ugu faraxsanyihiin  taageeradaan 42-ka milyan ee Yuuro ah oo lagu dayactirayo waddooyinka muhiimka ah ee dalka ay sare u qaadayso kobaca dhaqaalaha dalka iyo gobalka, ayna ka tarjumayso faa’iidada bulsho ee ugu jirta dadka Soomaaliyeed. Xaqiiqdii, hagaajinta bad-baadada waddooyinku waxa uu saameyn wanaagsan ku yeelanayaa shaqo abuurka, gaaridda goobaha caafimaad, adeegyada waxbarasho iyo bulsho ee laf-dhabarta u ah la dagaallanka saboolnimada.’’

Dhaqaalaha guud ee deeq bixiyaashu ugu tala galeen mashruuca ayaa ah 59.75 Mliyan Oo Yuuro.  Dhaqaalaha ayaa ka kooban 42 Milyan oo ka timid Midawga Yurub, 12.31 Milyan oo ka timid snaduuqa horumarinta Afrika, 3.5 Milyan oo ay bixinayso dowladda Soomaaliya, 1.94 Milyan oo ka imaanaysa NEPAD-IPPF.  Bangiga horumarinta Afrika iyo wasaaradaha ay qusayso ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fulinaya mashruucaan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close