Wararka
Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya oo kulan la qaatay saraakil kamida hay’adda socdaalka Dalka Norway.
Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Col. Maxamed Aadam Jimcaale (Koofi) ayaa dalka Norway kulan kula yeesahy madaxda hay’adda socdaalka Dalka Norway.
Agaasimaha oo safar shaqo ku tagay dalkaasi ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinaayay ku xigeenka Agaasimaha guud, Cabdullahi Xaaji Bashiir, la taliyaha sare iyo Saraakiil kale oo ka tirsan hay’adda
Agaasimaha Guud iyo wafdigiisa oo ka qeyb galay kulamo Sanadle ah oo ay yeeshaan hay’adaha socdaalka ee Labada Dal, ayaa waxa uu la qaatay madax sare oo ka tirsan Wasaaradaha Caddaaladda iyo Arrimaha dibedda Norway iyo sidoo kale saraakiisha Booliska Dalkaasi.
Kulamadan ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Labada Dal ee dhinaca Socdaalka, waxanay intaa ka dib Agaasimaha Guud iyo wefdigiisa booqdeen Garoonka Diyaaradaha ee caasimadda Oslo iyagoo u kuur galaayo hab-maamulka socdaalka Garoonka.