Wararka
Madaxweyne Ku xigeenka labaad ee Jubbaland oo kormeeray howl laga dhisaayo Kismayo.
Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Luga Dheere ayaa kormeer ku tagay Hoolka Daawad ee magaalada Kismaayo.
Howlka ayaa waxaa ka socday dib u habeyn ballaaran xiliga uu madaxweyne ku xigeenka ka qaayb galaayay waana howl anfici doona bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo.
Socdaalka madaxweynaha waxaa ku wehlinaayay guddoomiyaha Baarlaamanka Jubbaland Cabdi Cabdiraxmaan iyo Mas’uuliyiin kale.