Wararka

Farmaajo “Qof kasta oo Soomaali ah waa inuu noqdo astaan qaran oo isu arko in uu metalayo Soomaaliya”

Madaxweynaha dowlada faderaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galay xaflad abaalmarino lagu gudoonsiinayay orodyahano Soomaaliyed oo guulo ka soo hoyay tartamo ay ka qeyb galeen.

Munaasbadan oo lagu qabtay  xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha xukuumadda faderaalka iyadoo goob joog ay ahaayeen xildhibaano,masuuliyiinta maamulka g/banaadir,  xiriirada cayaaraha ee dalka ka jira iyo masuuliyiin kale.

Orodyahano u tartamayay xulka qaranka soomaaliya ayaa biladaha maarta iyo dahabka u soo hoyay xulka qaranka Soomaaliya tartankii ay dhawaan uga qeyb galeen dalalka Zoonka 5aad ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ee lagu qabtay Rwanda iyo kii Jabuuti iyo ki.

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha xukuumadda faderaalka soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa xiriirada cayaaraha dalka ka jira uga mahadcelisay guulihii ay soo hoyeen cayaartooyda dalkeena iyadoo madaxweynahana ay warbixin ka siisay horumarada kala duwan ee caayaraha dalka.

Madaxweynaha dowlada faderaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa aad ugu mahad celiyay cayaartooydii guulaha u soo hoyay xulka qaranka soomaaliya waxaana uu sheegay in dowladu ay garab istaagan tahay horumarka cayaaraha dalka.

“Qof kasta oo Soomaali ah waa inuu noqdo astaan qaran oo isu arko in uu metalayo Soomaaliya. Marka waa inaan ku dayanno dhallinyaradaas is-xilqaamay oo dadaal badan sameeyay si ay ula tartamaan dhiggooda caalamka, una soo celiyaan sharafka, wanaagga iyo sumcadda dalkeenna.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.


Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close