Wararka

Dowlada Shiinaha oo deeq raashineed soo gaarsiisay dowlada Soomaaliya.

Munaasabad lagu qabtay maanta gudaha Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dowlada Soomaaliya la guddoonsiiyay deeq mucaawino gargaar ah oo katimid dowlada Shiinaha iyadoo u soo marsiisay Xafiiska hay’adda Cuntada Adduunka WFP.

Waxaa munaasabadaan goob jog ka ahaa Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Safiirka Shiinaha u jooga Soomaaliya,Wei Hongtain iyo Saraakiil ka tirsan hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP.

Dowlada Shiinaha ayaa Saraakiisha hay’adda WFP Soomaaliya ku wareejisay deeqdaan oo isugu jirta, 440 tan oo Bariis ah, 1000 Tan oo Galley laga iibiyay gudaha Dalka ah, 350 Tan oo Saliid ah iyo 115 Tan oo Cunnada nafaqaysan ah,

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wei Hongtain, ayaa sheegay in ay mar walbo garab taagan yihiin dowlada Soomaaliya oo ay ka shaqeyn donaan ka qayb qaadashada dib u dhiska iyo nabadeynta dalka.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Shiinaha ay ka shaqaynayso dhismaha iyo dib u habeynta Isbitaalka Banaadir, Garoonka Kubbadda Cagta (Stadium Muqdisho) Waddada dheer ee isku xirta Gobollada Koonfurta iyo Waqooyiga Dalka iyo in ay Dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan arrimaha amniga.

Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya, Xamse Siciid Xamse, oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu mahad celiyay Dowladda Shiinaha kaalmada Bini’aaddannimo ee ay u fidisay Soomaaliya, wuxuuna sheegay in deeqdan si habsami leh loo gaarsiin doono meelihii loogu tala galay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close