Wararka

Wasiirk Goodax Barre oo gaarag Degmada Bardheere ee Gobolka Gedo.

Wafdi uu hogaaminaayo wasiirka waxbarashada, Hidaha iyo tacliinta Sare ee xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta gaaray magaalada Bardheere ee gobolka Gedo.

Wasiirka waxaa socdaalkiisa ku wehlinaayay wasiirka waxbarashada dowlad Goboleedka Jubbaland, xildhibaanno, Agaasimayaal is kugu jira heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Bardheere ku soo dhaweeyay maamulka degmada bardheere iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka waxbarashada  ayaa degmada Bardheere u tagay si uu u dhagax dhigo machad lagu tababari doono macallimiinta Soomaaliyeed kaas oo ahmiyad gaar ah u leh bulshada deegaankaas sida uu wasiirka ku soo qoray bartiisa facebook-ga.

“Waxaan maanta soo gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo aan ka dhagax dhigi doono machad lagu tababari doono macallimiinta Soomaaliyeed, kaas oo ahmiyad gaar ah u leh bulshada deegaanka”.

Wasiir Goodax Barre ayaa u mahadnaqay wasiirka wax barashada dowlad goboleedka Jubbaland iyo maamulka Gedmada iyo dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Image may contain: 5 people, people smiling, people standing, suit and outdoorImage may contain: 12 people, people standing and outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 12 people, people smiling, crowdImage may contain: 8 people, people smiling

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close