Wararka
Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka Maaliyadda ibraahim oo tababar u soo xiray shaqaale ka kala socday seddex waaxood.
Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka Maaliyadda ibraahim Cumar Mahad alle ibraahim dheere ayaa Maanta Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar Tababar ugu soo xiray Shaqaale ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.
Tababarkaan ayaa socday muddo labo maalin waxaana loo qabtay Saddex Waaxood oo kala duwan kuwaas oo kala ah: waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha, waaxda Maaliyadda iyo Waaxda Iibka Dowlada Hoose ee Xamar.
Ibraahim Cumar Mahad ayaa u Mahadceliyay shaqaalihii kasoo qayb qaatay tababarkaan waxaa uuna sheegay in shaqaalaha Guta waajibkooda Tixgelin la siin doono kuwa aan waajibkooda ka soo bixina lala xisaabtami doono.