Wararka
Eng.Yariisoow oo daahfuray shirka wadatashiga ee qorshaha horumarinta gobolka Banaadir iyo dowlada hoose Xamar.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) ayaa maanta caasimda Muqdisho ka daahfuray shirka wadatashiga ee qorshaha horumarinta gobolka Banaadir iyo dowlada hoose Xamar.
Furitaanka shirkaan waxaa goob jog ka ahaa wasiiro katirsan Dowlada Soomaaliya, agaasimayaasha guud ee wasaaradaha xukuumada Soomaaliya, guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir iyo xog’hayaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir.
Ka qayngalayaashii shirka ayaa waxa ay aragti kala duwan kaga doodeen qorshayaasha kala duwan oo ay dowlada hoose Xamar u diyaarisay in lagu horumariyo caasimadda dowlada federaalka Soomaaliya sanadaha dhow ee soo socda.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) ayaa gabagabada shirkani si guud ugu warbixiyay shirka qorshaha horumarinta gobolka Banaadir iyo dowlada hoose Xamar.