Ciyaaraha
kooxda PSG oo war kasoo saartay xaalada dhaawaca laacibka reer Brazil.
kooxda PSG ayaa warka soo saartay xaalada dhaawaca xidiga garabka uga ciyaara kooxda reer Brazil Neymar kaas uu dhaawaca soo gaaray kulan uu xulkiisa isugu diyaarinaayay koba America oo bilaa banaayo 15ka bishaan waaxaana marti galinaayo dalka Brazil.
xidiga ayaa ku dhaawacamay kulankii 6-dii bishaan ee la ciyaareen xulka Brazil xulka qaranka Qadar xidiga ayaa dhaawac kasoogaaray karaan kurta lugta midig waxaana gabi ahaan laga saaray xulka dalkiisa ee ka qeebka laayo koba America.
Kooxda PSG ayaa shaacisay ina xidiga oo garoomada seekayo mudo bil ah taas oo sidoo kale hoos udhigi doonto xiisaha kooxaha doonayo adeegiisa xidiga maadaama uu xidiga dhaawac yahay waxaana adag sida eey koox ugu dhiiran karto ineey iibsato xidig dhaawac ah PSG ayaa dhaawaca xidigaan dhankooda fursad utahay oo xidiga eey ku sii heeysan karaan.
Dhanka kale dhaawaca soo gaaray Neymar waxaa uu walaac ku abuuray taageerayaasha xulka qaranka Brazil kuwaas oo doonayay ina xidiga oo matalo xulka Brazil si sanadaan eey uga faaideestaan martigalinta tartanka kooba America oo dalkooda ka dhacaayo.
Neymar ayaa ah xidig saameeyn weeyn kulah xulka qaranka Brazil maqnaan shaha xidigane eey ku tahay dhabar jab soo wajahay xulka Brazil.