Wararka
Ra’iisul Wasaaraha dalka oo kulan la qaatay Golaha Dhaqaalaha Qaranka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa kulan laqaatay Golaha Dhaqaalaha Qaranka kulankaas oo looga hadlay dardar gelinta qorsha dayn cafinta, istaraatiijiyadda maalgashiga dalka, kobcinta dhaqaalaha, kordhinta dakhliga dawladda iyo iskaashiga dhaqaale ee gobalka geeska Afrika.
Golahaan ayaa dowlada ka caawiya talasiinta arrimaha dhaqaalaha dalka iyagoo adeegsanaya cilmi baaris dheer iyo cadaymo, waxaa ay sidoo kale dowlada talo ka siiya diyaarinta iyo dhaqan-galinta siyaasad dhaqaale taas oo ka waacainaysa isku-dubaridka khayraadka dalka iyo dibadda iyo fulinta qorshayaasha dhaqaalaha iyo maaliyadda dalka.
Madaxwaynaha dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Dekareeto ku magacaabay golaha dhaqaalaha qaranka July 12, 2018, waxaana si rasmi ah loo daah-furay August 11, 2018.