Wararka

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo La Kulmay Agaasimaha Siyaasadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska.

Ra’iisul Wasaaraha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay agaasimaha guud ee siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Boqortooyada Ingiriiska, Richard Moore.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Richard Moore ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xariirka labada dowladood iyo taageerada Ingiriisku dowladda  ka siiyo tababarrada ciidanka iyo qorshaha ciidanka Soomaaliyed ay kula wareegayaan amniga dalka.

Kulanka ay maanta Muqdisho ku yeesheen Ra’iisal wasaaraha dalka iyo agaasimaha guud ee siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Boqortooyada Ingiriiska waxaa goob jog ka ahaa safiirka boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fender.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa dowladda Soomaaliya ka teegeerta tababarrada ciidanka, dhismaha xarumaha tababarrada iyo qorshaha ciimadama Soomaaliya ay ciidanka AMISOM ugala wareegayaan mas’uuliyadda amniga guud ee dalka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close