Wararka
Duddoomiye Yariisoow oo dhagax dhigay wada laami ah.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisoow) ayaa maanta waxaa uu dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xirta isgoosyada Siinaay iyo Baar-Ayaan ee degmooyinka Warta-nabadda iyo Yaaqshiid.
Guddoomiyaha oo ka warbixiyey dadaalka Maamulka Gobolku ay ugu jiraan horumarinta caasimadda iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha ayaa uga mahadceliyey bulshada degmooyinka Warta-nabada iyo Yaaqshiid sida ay kaalintooda uga qaadanayaan hirgelinta waddadan oo muhiim u ah isusocodka iyo ganacsiga degmooyinkaas.
Guddooomiya Yariisoow ayaa uga mahadceliyey bulshada degmooyinka Warta-nabada iyo Yaaqshiid sida ay kaalintooda uga qaadanayaan waxaa uuna xusay in waddadaan ay muhiim u tahay isusocodka iyo ganacsiga degmooyinkaas.
Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay Ingineerrada ku hawllan dhisidda waddadan in ay hirgeliyaan laami u dakysan karo roobabka, isla markaasna lagula xisaabtami doona dhismaha jidadka ay dhisaan.
Guddoomiyeyaasha degmooyinka Warta-nabadda iyo Yaaqshiid oo guddoomiyaha ku welinaayay dhagax dhiga ayaa bulshada ku nool degmooyinka laga dhisaayo waddadaan laamiga ah ugu baaqay in ay la shaqeeyaan injineerrada hawshan wada oo ay si si is-xilqaan ahna ay uga qeyb qaataan hawlaha kale ee la xiriira bilicda iyo horumarinta.