Wararka
Wasiirka wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta oo xilka ka qaaday xubin ka tirsan Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka.
Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumada Soomaaliya Cabdi Cashuur Xasan ayaa xilka ka qaaday Cali Ibraahim Shaameey oo ahaa xubin ka tirsan Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka.
Wareegta ka soo baxday xafiiska Wasiirka Boostada ayaa lagu sheegay in aysan macquul ahayn in uu metelo siyaasada Wasaaradda mas’uul hormuud ka ah Xisbi Siyaasadeed.
Sida ku qoran wareegta kasoo baxday xafiiska wasiirka boosta iyo isgaarsiinta mas’uul kaan ayaa xilka ku waayay kaddib markii uu diiwaan geliyay Xisbi lagu magacaabo Horusocod, waxaana uu ka soo muuqday qaar ka mid ah Telefishinada, isagoo ku hadlayay magaca Xisbigaas.
Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa waxaa hore u magacaabey Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta waxa uuna ku dhisanyahay Sharciga Isgaarsiinta ee dhowaan uu ansixiyey Baarlamaanka JFS 2017, balse ma ahan Guddi dastuuri ah oo uu xubnihiisa ansixiyey baarlamaanka ama Golaha Wasiirrada, taas oo awood u siinaya Wasiirka in uu wax kabedel ku sameeyn karo ugu yarraan xubnaha ku metalaya siyaasada Wasaaradda ee xubbinta ka noqonaya Guddiga.
Hoos ka akhriso wareegtada wasiirga boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya: