Wararka

Xildhibaanada golaha shacabka ee dalka ka maqan oo lagu amray iney si deg deg ah ugu soo laabtaan dalka ka hor 15-ka bishaan.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ee golaha shacabka.

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa kulan kooda maanta kaga dooday arrimo ay ka mid yihiin in dib loo furo kalafadhiga Golaha oo hakad galay bishii Ramadaan oo Xildhibaanada Golaha ay u baxeen cumro iyo iney gutaan waajibaadka saaran.

Guddiga joogtada ayaa Sidoo kale ka hadlay kalafadhiga hadda lagu gudajiro agendihiisa in la dhammeystiro.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in 15 bishaan dib loo furo kulamada golaha shacabka,waxaana Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya loogu baaqay iney dalka dib ugu soo laabtaan.

Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux), Xoghayaha guud ee golaha shacabka ayaa xildhibaanada dalka ka maqan ugu baaqay iney si deg deg ah ku soo laabtaan ka hor 15-ka bishaan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close