Wararka
Magaalada Baydhabo oo laga hirgaliyay xero ciidan oo cusub.
Xera xiidan oo loogu tala galay Ciidanka Xogga dalka ee kuugan magaalada Baydhabo oo ay dhistay dowlada Ingiriiska ayaa waxaa maanta si rasmi ah xariga ugu jaray Kusimaha Madaxweynaha KGS , wasiirka gaashandhigga Soomaaliya iyo Safiirka Ingiriiska.
Furitaanka munaasabada xeradaan cusub ayaa waxaa kasoo qayb galay Safariika Dowldda Ingiriiska Ufadhiya Soomaaliya Ben Fender ,Wasiirka Difaaca Dalka , Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Gobolledka Koonfur Galbeed Soomaaliya , Wasiiro , Xidlhibaano Odayaasha dhaqanka kg , iyo Qeybaha kala Duwan Ee Saraakiisha Ciidamada.
Ciidamo gaaraayo 100-askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Qeybta 60-aad ayaa maanta lagu furay tababarka xeradaan cusub ee laga dhisay magaalda Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed.
Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Gollaha wakiilada Koonfur Galbeed , C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ,ayaa boogadiyay Kaalinta dowladda Ingiriiska Ay ka qaadaneyso Dhismaha Ciidanka, isagoona Ciidamada Tababarka loo Furey Kula Dar daaramey In ay wax badan ka Faa’ideystaan.