Wararka
Al-shabaab oo lawareegay degaanka Afurur ee gobolka Bari.
Wararka ka imaanaya tuulada Af-urur ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Al-shabaab ay halkaa la wareegeen kadib markii halkaasi ay maalmo ka hor isaga baxeen cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland oo saldhig ciidan ku lahaa.
Dadka degaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in aan wax dagaal ah ka dhicin tuulada Af-urur maadaama halkaasi aysan joogin wax ciidan ah islamarkaana saldhiga tuuladaasi uu cidlo ahaa wakhtiga Al-shabaab halkaa qabsanayeen.
Ilaa iyo haatan lama soo sheegin wax khasaare ah oo ay geysteen kooxda Al-shabaab ee qabsaday degaanka Afurur ee gobolka Bari.