Wararka
Maxkamada ku taala kenya oo xukuntay 38 sano jir caruur Faraxumeeyay.
Waa maxay sababta kadanbayso in ninkaan xabsi daa'in laga dhigo?
Nin 38-sano jir ah oo magaciisa layirahda John Kinyua Ndei ayaa lagu xukumay xabsi daa’in kadiib markii lagu hekey eedeyn ah in uu u faraxumeeyay seddex caruur ah oo da’dooda u dhexeyso 6-12 sano jir.
Sharciga dalka Kenya ayaa dhigaayo in ruuxii kufsi u geysta shaqsi dadiisa ay ka yartahay 11-sano In lagu xukumo xabsi daa’in sida uu sheegay garsooraha maxkamadii xukunka ku riday eedeysanaha.
“ inkastoo danbiga uu gaystay Ndei uu yahay mid muruga leh hadana maxkamada gacmaha ayay ka xirantahay, sharciga ayaa dhigaayo in shaqsigii kufsi kula kaca ruux dadiisu ka yartahay 11 sano xabsi daa’in lagu xukuma”, ayuu yiri Sudi oo ah garsoorihii maxkamada.