Wararka
Madaxweynayaal saameyn Ku Leh Dunida Oo Ka Qeyb Galay Xuska Munaasabada 75-sano guradii kasoo wareegatay Dagaalkii labaad Ee Dunida.
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ka qayb galay munaasabada 75-sano guuradii kasoo wareegatay dagaalkii 2-aad ee addunka.
Madaxweyne Trump iyo Macron ayaa xusay guushii ay ka gaareen xisbigii kaligiis taliska ahaa ee uu hoggaaminaayay Adolf Hitler ee Nazi Party.
Madaxweynayaasha ayaa khudbad ka jeediyay xabaalaha Colleville-sur-Mer ee gobalka Normandy halkaas oo ay ku aasanyihiin in kabadan 9,000 oo askarta Maraykanka ka tirsanaa.
Macron ayaa ciidamadii naftooda ku waayay difaacida dalka Faransiiska ugu mahadcelisay gaysinimadoodi iyo dhabar adeegi ay muujiyeen waxaa ayna sheegtay in howlgalkaas uu waxbadan kabadalay mustaqbalka Yurub iyo wadamada kale ee caalamka.
“waan ognahay inaan idin ku dhaarano naftiin hurayaal, anigoo matalaayo dalkayga, waxaan rabaa inaan idin dhaho waad mahadsantihiin”. Macron ayaa yiri sidaas.
madaxweyne Macron ayaa Markii uu dhameeyay khudbada waxaa uu abaal marinta ugu sareysa dalka Faransiiska guddoonsiiyay shan askari oo Maraykan ah kuwaas oo qayb ka ahaa dagaalkii 2-aad ee addunka.
Madaxweyne Trump oo dhankiisa ka hadlay ayaa isna amaanay ciidamadii ka qayb galay dagalkii 2-aad isagoo sheegay in ay naftooda u hureen walaalahood iyo wadankooda.