Wararka

Ciidamada amaanka Kenya oo hoygiisa kala baxay Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid.

Dr Ibraahim ayaa ah barre Jaamacadeed sidoo kale waa falanqeeyay siyaasada dalalka bariga dhexe iyo Africa...

Ciidamada amaanka Kenya ayaa hoygiisa kala baxay Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka mida aqoonyahanada Soomaaliyeed ee Ku nool magaalada Nairobi.

Ciidamada ayaa gudaha u galay hoyga DR. Bursaliid iyagoona u kaxeeyay xarunta amniga magaalada Nairobi ee dalka Kenya sida ay ilo xog ogaal ah ku soo waramayaan.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ay ciidamada Kenya u xireen Dr. Bursaliid kamana aysan hadlin saraakiisha amaanka ee magaalada Nairobi xariga Dr Ibrahim Faarax Bursaliid.

Dr Ibraahim ayaa ah barre Jaamacadeed sidoo kale waa falanqeeyay siyaasada dalalka bariga dhexe iyo Africa waxaana uu dhowr jeer wareysiyo badan u siiyay warbaahinadda dalka.

Ma jirto faah-faahin intaas dhaafsiisin oo la xiriirta bixitaanka ciidamada Kenya la baxeen Dr Ibraahim Faarax Bursaliid hase ahaatee tani waxa ay imaaneysa xilli ay taagantahay Isfahan waaga siyaasadeed ee u dhexeysay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close