Wararka
Howlgal lagu soo qabtay sargaal katirsanaa Al-shabab
Howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxay kusoo qabteen xubin ka tirsanaa Al-Shabaab.
Ciidamada wada jirka ah ayaa Gacanta kusoo dhigay, Ibraahim Lujende Maxamed, oo ka mid ahaa Koox ilaalo u ahayd Argagixisada oo ku dhuumaaleysanaysay degaanno ku dhow Baar Sanguuni ee Gobolka Jubbada hoose.
Ibraahim Lujende, ayaa sheegay in muddo 10 Sano ah uu u xirnaa Al-Shabaab laguna qasbay shaqada jaajuusnimada iyo xog uruurinta ah ee uu u hayay kooxda Argagixisada ah.
Cabdi xukun, oo ka tirsan Saraakiisha qaybta 43-aad ee Ciidanka xoogga Dalka ayaa sheegay in Ninkani uu ka mid ahaa koox Afar ah, Laba ka mid ihina ay Hubeysnaayeen, kuwaas oo Al-Shabaab u qaabbilsanaa Uruuurinta xogaha, balse Saddexdii kale ay ka baxsadeen kuna raad joogaan.
Wuxuu sidoo kale sheegay in , Ibraahim Lujende, uu ka qeyb qaatay weerarkii ay Al-Shabaab 2015-kii ku qaadeen Saldhig Ciidan oo ay Ciidamada Amisom ku lahaayeen degaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo.
Cabdi xukun , ayaa Dhallinyarada la qalday ee fekerrada gurracan lagu shubay kula dardaarmay in ay kasoo noqdaan, wuxuuna intaa raaciyay in ay ka Dowlad ahaan soo dhaweynayaan, si wanaagsanna ula dhaqmi doonaan.