Wararka
Dowlada Soomaaliya oo sheegtay In Tartanka furan ay u Qaban Doonto Kooxaha Fanka Ee heer Qaran.
Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa Kooxaha Fanka heer Qaran ee Soomaaliya u sheegay in ay u diyaar garoobaan Todobaadka xorriyadda ee nagu soo wajahan tartan furan.
Kadib Wasiirka oo Xafiiskiisa kula kulmay Abwaanno iyo Hoballo ka kala socda dhammaan Kooxaha Fanka iyo Suugaanta ee hay’adaha Dowladda ayaa kala hadlay sidii loo xoojin lahaa Fanka iyo Suugaanta.
Wasiirka ayaa u sheegay Kooxihii uu la kulmay in dhawaan Xarigga laga jari doono Golaha murtida iyo madadaalada ee (National Theatre-ka), isla markaana ay wada isticmaali doonaan dhammaan Hobollada kala duwan ee Qaranka.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa dhammaan xubnihii ka qeyb galay kulanka u sheegay in ay isu diyaariyaan tartanka furan, iyadoo kooxdii ku guuleysatana la guddoonsiin doono Shahaado sharaf 1-da Bisha July ee Sanadkan.