Wararka

YouTube oo mamnuucday in lasoo dhiga barteeda muuqaalada neceybka ku dheehan.

YouTube oo dadka cadaanka xagjirka ah ka mamnuucay in ay soo dhigaan muuqaaal naxdin leh

Shirkada YouTube ayaa arbacadii sheegtay in ay badali doonta siyaasadeeda ku aadan muuqaalada naceebka ku dheehan ee ay soogaliyaan cadaanka xagjirka ah oo ay kubadan tahay Islaam naceybka.

YouTube ayaa sheegtay in ay akoonadooda ka xiri doonta shaqsi kasta oo soogaliya muuqaalada ku dheehan naceybka, faquuqa, kufsiga iyo kuwa kalaba.

Shabkadaan oo ay leedahay shirkada Google ayaa ficilkaan ku tilmaamtay mid ay ku xagameyniyaan nabad ahaanshaha caalamka oo ay dooneen in fidna ay u horseedaan caalamka.

Tallaabadaan ayaa imanayso iyadoo ay dadka Muslim neceb ay muqaallo xanuuna badan ay soo dhigaan bartaan YouTube si ay u sii faafiyaan una dareensiiyaan dadka kale naceybka ay u qabaan muslimka.

Dhacdadii ugu xanuunka badneed ee ka dhacday magaalada Christchurch ee dalka Newsland ninkii cadaanka ahaa ee fulinaayay ficilkaas foosha xumaa ayaa muuqaal toos ah soogalaayay iyadoo wixii intaa kadanbeeyay ay baraha sida Twitter,facebook iyo WhatsApp joojiyeen in muuqaalo naxdin leh lasoodhiga.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close