Wararka

Sanad guuradii ka soo wareegatay xariirkii cusbaa ee Itoobiya iyo Iritariya.

Maxaa isbadalay xariirka Itoobiya iyo Eratariya kadib sanad guuradii kasoo wareegatay xariirkodi cusbaa?

Dagaalo daba dheeraaday oo dhexmaray Itoobiya iyo Eretria  oo ay ku dhinteen dad badan Halka Qoysas badana kal geeyay ayaa soo afmeermay sanadkii 2018 kadib markii Itoobiya loo doortay ra’iisal wasaare cusub kaas oo U horseeday in la soo afjaro colaad ka tagneed xadka labada dal.
5-ta bishii Juun 2018 ayuu ra’iisalwasaare Abiy Ahmed ku dhawaaqay in ciidanka Itoobiya ee kusugan xadka uu muranka ka jiray dib loogu soo celin doona Itoobiya isagoo maalma kadibna booqasha rasmi ah ku tagay caasimada Asmara halkaas oo uu si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Eretria  Isaias.
Kulankaas ayaa ahaa kulan taariqi ah kaas oo indhaha caalamka soo jiitay, iyadoo ay Eretria wax badan ku Doodijirtay  jirtay in Itoobiya ay ka haysato gobol kamida dhulkeeda balse wixii malintaa kadanbeeyay labada dal ayaa yeeshay xiriir wanagsan.
Eretria ayaa 5 bisha juun u ahayd maalin kale oo taariikhi  ah kadib markii 5-ta bishii Juun, 1993  ay kamid noqotay midoowga Afrika (organization of African unity) loona aqoonsaday dal madax banaan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close